7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2022
Booliiska Gobolka Banaadir oo shaaciyay iney toogasho ku dileen dagaalame ka tirsana Al-shabaab

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad koobna oo Xalay ku dhexmaray degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir  ciidamo ka tirsan Booliiska maamulka gobolka Banaadir iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, kaaso geystay khasaare dhimasho ah.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii ciidanka Booliiska gobolka Banaadir oo howlgalo ka wada qeybo ka mid ah degmada Heliwaa ay la kulmeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab, waxaana weerarka dhexmaray labada dhinac uu ka dhacay agagaarka Baar Jowhar ee xaafada Suuqa Xoolaha.

Dagaalka kooban ee dhexmaray Booliiska Banaadir iyo xubnaha ka tirsana dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa la sheegay inuu sababay dhimashada xubin ka mid ahaa dagaalyahanada Shabaab.

”Abaaro 8:00 fiidnimo Ciidanka Boliiska oo roondo ku maraya xaafadaha degmada Heliwaa ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah dhagarqabayaasha Al-Shabaab, kadib markii ay si kadis ah ula kulmeen maleeshiyaad hubaysan oo gaadmo ku hayay ciidanka roondada” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Booliska.

Si kastaba ha ahaatee Booliska gobolka Banaadir ma sheegin wax khasaare ah oo dhankooda kasoo gaaray weerarka xalay ka dhacay degmada Heliwaa oo ka mid ah degmooyinka Al-shabaab ay inta badan weerarada qorsheysan ka geystaan xiliyada habeenkii ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]