7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2022
Cabdirisaaq Khaliif: Madaxweynuhu waxa uu sheegay in uu xaga sharciga marayo
 

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in ay ku guuldaraysteen isku soo dhawaynta mucaaradka iyo xukuumada Somaliland.

Guddoomiye Khaliif oo isaga iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ay ku howlanaayeen dhexdhexaadinta xukuumada iyo mucaaradka Somaliland, ee doorashooyinka isku khilaafsan, ayaa sheegay in dhinacyadu darafyo kala fog kala istaageen, sidana wadahadaladu ku burbureen.

"Runtii waxa aanu isku daynay in aanu isku soo dhawayno dhinacyadii dantu ka dhaxaysay, talaabooyin fiican oo aanu markii hore qaadkay way jireen ... lakinse nasiib daro markii u danbaysay waxa la istaagay laba daraf oo aad u yar kala fog" ayuu yidhi guddoomiye Khaliif.

Khaliif waxa uu sheegay in dhinaca mucaaradku kalsooni siiyeen lakiin madaxweyne Biixi ka cudur daartay in uu kalsooni siiyo, "Qolada mucaaradka ahi dacwadoodii ayay noo keeneen, waxayna noo sheegeen in ay kalsoonidii nagu wareejiyeen, lakin madaxweynuhu arrinta wuu ka yar cudur daartay, oo waxa uu sheegay in uu xaga sharciga ka marayo".

Waxa uu sheegay in kadib markii ay ku guuldaraysteen in ay dhinacyada isku soo dhaweeyaan ay joojiyeen dhexdhexaadinta, si dhibaato anay u dhinic iyaguna anay ugu dhexdaalin, sida uu hadalkiisa u dhigay.

Xukuumada iyo mucaaradka Somaliland ayaa isku khilaafsan ta soo horaynaysa doorashooyinka madaxweynaha iyo urrurada siyaasada, madaxtooyada ayaa aaminsan in doorashadu urruradu soo horaynayso, halka mucaaradkuna ay ku doodayaan in doorashada madaxweynuhu soo horayso.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]