7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2022
Axmed Karaash oo shaqadii u fasaxay labo wasiir oo uu horey shaqada uga joojiyay
 

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash ayaa shaqadoodii u fasaxay labo kamid ah wasiiradda Puntland, kuwaas oo u horey ugu sameeyay shaqo joojin.

Wasiirka duulista hawada iyo garoomada iyo wasiirka dekedaha Puntland ayaa shaqadoodii dib loogusoo celiyay sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka.

Labadan wasiir ayaa shaqada looga joojiyay amar diido ay sameeyeen. Waxay sidoo kale ku eedeysnaayeen dhacdadii lagu celiyay guddoomiye ku xigeenkii koowaad barlamaanka Soomaaliya, sida aan xogta ku helnay.

Dhow jeer oo uu madaxweyne ku xigeenku sameeyay xil ka qaadis iyo shaqo ka joojin, ma suurto galin, waxaana intaba ka hor yimid madaxweyne Deni oo sharci darro ku sifeeyay.

Hase ahaatee, maalintii shalay madaxweyne Deni ayaa dib u magacaabay guddoomiyaha gobolka Mudug, Faysal Cali Maxamed, kaas oo uu bishii Abril magacaabay Axmed Karaash.