7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2022
Ciidanka Liyuu Booliska oo heegan buuxa la galiyay

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in heegan buuxa la galiyay Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee Liyuu Booliska, kaddib markii warar isa soo taraya ay sheegeen in Al Shabaab ay dhaqdhaqaaqyo ka wado xadka uu degaanka Soomaalidu la leeyahay Soomaaliya.

Dhaqdhaqaaqan ayaa laga soo sheegayaa xadka labada dal, gaar ahaan inta u dhaxaysa gobolada Hiiraan iyo Shabeelle ee Soomaaliya iyo degaanka Soomaalida, halkaas oo la sheegay inay kooxda Al Shabaab ay kusoo wajahan yihiin oo ay rabaan inay soo galaan degaanka Soomaalida.

Sidoo kale degmooyinka Mustaxiil, Feerfeer iyo Qalaafe oo kamid ah fobolka Shabelle ayaa iyagu feejignaan badani ka jirtaa, iyadoo wararka lagu kalsoon yahay ay sheegayaan in Al Shabaab ay aagaas dhaqdhaqaaqyo ka wado.

Dhinaca kale Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar oo maalmahan ku sugnaa gobolka Afdheer, ayaa maanta sagootiyay Ciidamada dowlad degaanka Soomaalida ee Liyuu Booliska, kuwaas oo ku wajahan dhanka xuduuda degaanka Soomaalidu la wadaago Soomaaliya.

Xukuumadda degaanka Soomaalida ayaa xalay war murtiyeed ay soo saartay ku sheegtay in lasoo gabagabeeyay wajigii koowaad ee howlgalka Al Shabaab lagaga xoreynayay dhulkii ay soo gashay maalmo ka hor, kaas oo ka dhigan in wali aan si buuxda looga wada saarin degaanka kooxda Al Shabaab ee kusoo duushay degaanka Soomaalida.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]