7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2022
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya oo lagu waayay inuu bixiyay ogolaanshaha markab Dhuxul ka dhoofiyay Soomaaliya

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Maxkamadda sare ee dalka Cumaan ayaa laashay xukun lagu riday dad lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, xiriirna la leh Al-shabaab.

Bilo kahor, maxkamadda hoose ee dalka Cumaan ayaa riday xukunkan, kadib markii saddex nin oo markabkan watay lagu eedeeyay dambi ah in ay wadeen dhuxul si sharci darro ah looga soo dhoofiyay Soomaaliya.

Maxkamadda sare ee Cumaan ayaa sidoo kale caddaysay in wasiirkii hore ee arrimaha dibaadda Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse, uusan jirin wax caddeynayay in markabka la qabtay laga helay ogolaanshaha wasaaraddiisa.

Wasiirka ayaa bishii May ee sannadkan shaqada looga joojiyay kadib markii lagu eedeeyay inuu fasaxay markab si sharci darro dhuxul uga dhoofiyay Soomaaliya oo lagu qabtay Cuman.

Raysal wasaare Rooble oo xafiiska joogay ayaa  hanti dhooraha iyo hay’addaha amniga faray inay baaris ku sameeyaan falka lagu eedeeyay wasiirka arrimaha dibadda una gudbiyaan hay’daha garsoorka dalka.