7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2022
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo Xaqiijiyay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay ka gudbeen xuduudda gobolka Hiiraan uu la wadaago Itoobiya

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa xaqiijiyay in ciidamo ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka gudbeen xadbeenaadka uu gobolka Hiiraan la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Isagoo wareysi siinaayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu guddoomiye Jeyte wuxuu sheegay in ciidamo gaaraya 200 oo ka mid ah dagaalyahanada Al-shabaab ay ka talaabeen xadka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Itoobiya, islamarkaana ay gudaha u galeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

"Markii aan weydiinay dadka waxay noo sheegeen in ilaa 200 nin ay ku dhaw yihiin dagaalyahanada Al-shabaab ee ka gudbay xadka Hiiraan uu la wadaago dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya" ayuu yiri guddoomiye Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida iyo kuwa dowladda Fedaraalka Soomaaliya ay iska kaashan doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa markaan waxay u muuqanayaan kuwa xooga saaraya sidii ay uga dhex dagaalami lahayeen gudaha deegaanada dowlad deegaanka Itoobiya, waxaana xusid mudan in maalmo kooban ka hor ay aheyd markii ciidamo ka tirsan Al-shabaab ay ka dhex dagaalameen deegaano ka tirsan gobolka Afdheer oo xadbeenaad la leh gobolka Bakool, waxaana dagaaladaasi ka dhashay khasaare aad u xoogan oo kala gaaray ciidanka Liyuu Booliis, Al-shabaab iyo dad shacab ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]