7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo Maanta u duulay dalka Masar
 

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta u duulay magaalada Qaahira ee dalka Masar, kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Cabdifataax Al-siisi.

Safarka madaxweynaha Soomaaliya ee dalka Masar ayaa ujeedkiisa lagu sheegay dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadda iyo xaqiijinta Soomaali heshiis la ah dunida, waxaana lagu wadaa in wadahadalo ku aadan sidii loo xoojin lahaa xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Masar iney wada qaataan labada Madaxweyne.

"Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku aaddan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ee horumarinta waxbarashada dalka" ayaa lagu war kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh uu Maanta ugu ambabaxay dalka Masar ayaa noqonaya kiisa todobaad tan iyo markii loo doortay madaxweynaha Soomaaliya 15-kii bishii May ee sanadkaan 2022-ka, waxaana dalalka uu horay ugu safray ay kala yihiin Imaaradka Carabta, Turkiga, Eratariya, Kenya , Jabuuti iyo Tansaaniya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]