7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2022
Siyaasiin ku hanjabay inay Koonfur Galbeed burburayso haddii madaxweyne Lafta gareen uu doorasho qaban waayo
 

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Siyaasiyiin horey xilal ugasoo qabtay dowladda federalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa magaalada Muqdisho kaga dhawaaqay madal siyaasadeed oo lagu samato bixinayo Koonfur Galbeed.

War-saxaafaddeed ay soo saareen ayay ku sheegeen in madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ay u hartay muddo shan bilood ah, iyagoo ku eedeeyay inuu qorsheynayo muddo kororsi.

Madashan waxay sheegeen in Koonfur Galbeed ay ku burburayso gacanta madaxweyne Lafta gareen, haddii sida ay sheegeen uu isku dayo inuu sameeyo muddo kororsi sharci darro ah.

Waxay tilmaameen inuu ku fashilmay hoggaamintii Koonfur Galbeed, waxayna sheegeen inuu xarig iyo cago juglayn ku hayo cid kasta oo ka aragti duwan ama dhaliisha.

Siyaasiyiinta ku jira madashan, waxaa kamid ah, guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Jawaari iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Labaduba waxay kamid ahaayeen siyaasiyiintii loo diiday inay kamid noqdaan barlamaanka dowladda federalka Soomaaliya.

Shan bil ayaa ka harsan muddadii afarta sano ee loo doortay madaxweynaha Koonfur Galbeed, hase ahaatee barlamaanka Koonfur Galbeed oo sannad kadib la dhisay, ayaa muddo hal sano u kordhiyay mudada xil haynta madaxweynaha.