7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 24, 2022
Somaliland oo soo bandhigtay sababaha ay dagaanadeeda uga joojisay BBC Somali
 

Axad, Luulyo, 24, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa sababaha ay BBC Somali uga joojisay deegaanadeeda, ku sheegtay, dhexdhexaadnimo la'aan dhanka tabinta iyo shaqaalaysiinta ah iyo in ay buunbuuniso xumaanaha Somaliland, wanaagyadeedana hoos u dhigto.

Qoraal faah faahinaya sababaha loo joojiyay BBC Somali, oo Wasaarada Warfaafinta Somaliland, ku socodsiiyay Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa lagu soo koobay 6 qodob oo loo cuskaday joojinta BBC Somali laga joojiyay Somaliland.

Qoraalka ayay wasaarada warfaafintu ku sheegtay in BBC Somali ay lumisay dhexdhexaadnimadii wararka iyo doodaha, iyadoo ka eexata Somaliland markay wararka, doodaha iyo barnaamijyada baahinayso iyo in ay buunbuuniso xumaanaha Somaliland, isla markaana ay hoos u dhigto guulaheeda.

Markay noqoto fikradaha dadwaynaha ra'yigooda ka dhiibta wararka ka baxa idaacada, ayaa qoraalka lagu sheegay in BBC-du xulato kali ah dadka mudiciga ku ah Somaliland, iyo in ay isku dhex darto fikradaha dadka kunool Somaliland iyo deegaanada kale ee Soomaalida.

Waxa kale, oo lagu sheegay in BBC-du ay dacaayadu ku furto maalmaha dabbaaldegyada Somaliland, sida maalinta xuska 18 May oo ku beegan markii ay Somaliland ka noqotay midowgii ay la gashay Soomaaliyadii Talyaaniga ka xorowday.

Waxa lagu xusay in ay idaacadu dacaayado ku furto safarada madaxweynaha Somaliland ku tago waddamada adduunka, isla markaana ay warar aan sugnayn ka faafiso shakhsiyaadka iyo dowladaha uu madaxweynuhu booqdo.

Waxa ugu danbayntii, lagu sheegay qoraalka in BBC-du anay haba yaraatee wax fursad shaqo ah siin, dhalinyarada warbaahinta ku jira ee reer Somaliland, taaso oo keentay in wararka ay baahiso ay noqdaan qaar dhinac ka raran.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]