7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 29, 2021
Taiwan oo Somaliland ugu deeqday qalabka casriga ah ee loo adeegsado hubinta codbixiyaha
 

Sabti, May, 29, 2021 (HOL) - Taiwan ayaa Somaliland ugu deeqday 2500 oo xabo oo ah qalabka loo adeegsado hubinta cod bixiyaha, ee loo yaqaano Biometrics Voter Verification System, oo qiimahiisu yahay 2 milyan oo dollar.

Qalabkan oo loo isticmaalo diwaangalinta iyo xaqiijinta codbixiyaha, ayaa ah qalab sahlaya in uu aqoonsado astaamaha jidheed ee codbixiyaha sida indhaha qofka.

Qoraal lagu qoray boga xafiiska Tiawan ee Hargaysa, ayaa lagu yidhi “jamhuuriyada Somaliland waa waddankii ugu horeeyay ee is ticmalay tiknoolajiyada aqoonsiga indhaha doorashadii 2017, maantana qalabkan IBVVS oo la jaanqaadaya, qalabka aqoonsiga indhaha waa guul la gaadhay taariikhda doorashada adduunka”.

“Taiwan waxay Somaliland la wadaagtaa qiimaha dimuquraadiyada, xorriyada iyo ku dhaqanka sharciga, waxayna ku faraxsantahay in ay la shaqayso dowlada Somaliland gaar ahaan koomishanka doorashooyinka qaranka”.

“Taageerada Taiwan ee doorashooyinka Somaliland waa in la muujiyo in dimuquradiyadu tahay luuqadeena, xiriyaduna tahay u jeedkeena guuud”.

Qalabkan ayaa loo isticmaali doona hubinta iyo xaqiijinta astaamaha jidheed ee codbixiyayaasha doorashooyinka soo socda ee Somaliland.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]