7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 29, 2021
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo Baledweyne ka daahfuray Imtixaanka Dugsiga sare


Sabti, May, 29, 2021 ( HOL ) - Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo uu wehlinaayay Agaasimaha guud ee wasaarada Waxbarashada Hirshabeelle Amiin Muqtaar Axmed ayaa maanta si wadajir ah Baledweyne uga daahfuray imtixaanka Shahaadiga dugsiga sare.

Ilaa 1,646 arday oo wax ka baraneysay dugsiyada sare ee magaalada Baledweyne ayaa maanta u fariistay maalinta koowaad ee imtixaanka fasalka 12-aad, waxayna ku galayaan ardaydaasi ilaa 4 xarumood oo ku yaala gudaha magaalada Baledweyne.

Guddoomiye Cali Jeyte oo ka hadlay daahfurka imtixaanka dugsiyada sare ee Baledweyne ayaa sheegay iney xaliyeen cabasho ka timid qaar ka mid ah ardayda, isagoona ugu baaqay ardayda iney maskaxdooda ka shaqeysiyaan oo aaysan waxyaabo kale ku tashan.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle Amiin Muqtaar Axmed ayaa dhankiisa sheegay in imtixaanka saaka uu ku bilaawday si wanaagsan aayna rajeynayaan inuu ugu soo dhamaado sidaas oo kale.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]