7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 29, 2021
Imtixaanka Shahaadiga Fasalka 12-aad oo Maanta si rasmi ah u bilaawday


Sabti, May, 29, 2021 ( HOL ) - Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaawday magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Imtixaanka Shahaadiga ee dugsiyada sare, kaasoo aay qaadeyso wasaaradda Waxbarashada dowladda Soomaaliya.

Ilaa afartan iyo laba kun oo arday ayaa maanta u fariistay maalinta koowaad ee Imtixaanka Shahaadiga ah waxaana magaalada Muqdisho ka daahfuray Raysal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo aay wehlinayeen wasiirka Waxbarashada Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda Waxbarashada.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in maanta aay u suurto gashay iney si rasmi ah u daahfuraan qaadista Imtixaanaadka Shahaadiga fasalka 12-aad ee dugsiga sare, waxuuna aad u booriyay Waalidiinta Soomaaliyeed sida aay caruurtooda ula jecel yihiin iney waxbartaan.

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Eng. Cabdullaahi Abuukar ayaa isna sheegay in Imtixaanka Shahaadiga dugsiyada sare uu maanta ka bilaawday deegaanada maamul goboleedyada dalka sida, Hirshabeelle, Galmudug, Koofur Galbeed, iyo Jubaland.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in maamul goboleedka Puntland  aay dhankooda horay u qaadeen Imtixaanka dugsiga sare kaasoo aay u fariisteen ilaa Shan kun oo arday.

Wasaarada Waxbarashada dowladda Soomaaliya ayaa sanad walba qaada Imtixaanka fasalka 12-aad ee dugsiga sare.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]