7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 29, 2021
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la filayo inuu booqasho rasmi ah ku tago Kenya
 

Sabti, May, 29, 2021 ( HOL ) - Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa inuu booqasho rasmi ah ku tago Kenya, sida ay qortay warbaahinta Kenya.

Raysal wasaare Rooble oo khamiistii ku guuleystey inuu dalka dib ugu celiyo heshiiskii doorashooyinka, iyadoo loo marayo shirkii Wadatashiga Qaran, ayaa casuumad ka helay Madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Rooble iyo Uhuru ayaa waxay ku kulmeen Jabuuti intii uu socday xafladdii caleema-saarka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Raysal wasaare Rooble ayaa la sheegay inuu safarkiisu ku saabsan yahay hagaajinta xiriirkii laba geesoodka ahaa ee u dhaxeeyay labada dal ee deriska ah oo khilaaf uu soo kala dhex galay marar badan.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya lixdii bishan May, waxay ku sheegtay in dib loosoo celinayso xiriirkii labada dal.

Balse, maalmo kadib Kenya ayaa joojisay duulimaadyadii aadayay iyo kuwii ka imaan jiray Soomaaliya illaa bisha August.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online