7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 29, 2021
Taliska Xoogga dalka oo sheegay iney weerar ku dileen 15 dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab

Sabti, May, 29, 2021 ( HOL ) - Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa guulo ka sheegtay dagaalo saacadahii la soo dhaafay ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab deegaano ka tirsan Sh/dhexe.

Dagaalka oo u dhaxeeyay Militariga Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq Shabaab ayaa ka dhacay deegaano badan oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe gaar ahaan deegaanada War ciise iyo Galbashiir.

Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlayay Idaacadda ku hadasha afka ciidamada Qalabka Sida ayaa sheegay iney dileen 15 xubnood oo ka tirsanaa dagaalyahanada Al-shabaab kadib howlaglo iyo weerar aay ku qaadeen xarumo aay ku sugnayeen.

Taliyaha ayaa intaasi kusii daray iney sii wadi doonaan dagaalada aay Shabaab kaga saarayaan deeganada hoos yimaada magaaloyinka Jowhar iyo Raage ceelle oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe.

Militariga Soomaaliya ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay gobolka Sh/dhexe ka waday howlgalo aay kula dagaalamayaan Ururka Al-shabaab oo meelo badan kaga sugan gobolkaasi.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]