7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 29, 2021
Urur goboleed IGAD oo soo dhoweeyay heshiiska doorashada ee Muqdisho lagu gaaray
 

Sabti, May, 29, 2021 ( HOL ) - Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen madaxda Soomaalida ee ku saabsan doorashooyin qaran iyadoo loo marayo wada hadal dhab ah oo ay Soomaalidu hogaaminayso.

IGAD ayaa ku ammaantay hoggaamiyayaasha Soomaaliya bisaylkooda siyaasadeed iyo muhiimadda ay leedahay dhismaha is-afgarad, niyad wanaag iyo tanaasul marka la xallinayo khilaafaadka siyaasadeed.

“IGAD waxay u hambalyeynaysaa dadka Soomaaliyeed, Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, Guddoomiyaha Gobolka Maamulka Gobolka Banaadir, hoggaamiyeyaasha siyaasadeed iyo dhammaan daneeyayaasha gacan ka geystey natiijada guusha ee wada hadalka,” ayaa lagu yiri qoraalka IGAD.

IGAD ayaa qoraalkooda ku amaanneen Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble dadaaladiisa qabashada Shir Madaxeedka doorashada iyo keenista khariidadda doorashada.

IGAD, waxay ku boorisay dhamaan daneeyayaasha inay ka fogaadaan ficil kasta oo wax u dhimi kara hirgelinta heshiiska, iyagoo ku dhiirri galiyay dhamaan hogaamiyaasha siyaasada inay si dhab ah u sharfaan waajibaadka ay u hayaan dadka Soomaaliyeed.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online