7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 29, 2021
Goob-joogayaal ka socda waddamada reer Yurub oo Somaliland soo gaadhay


Sabti, May, 29, 2021 (HOL)- Wafti isugu jira dibulumasiyiin, safiiro, goob-joogayaal madaxbannaan iyo saxafiyiin ka socda waddamada xubnaha ka ah midowga Yurub, oo Somaliland u yimid si ay goob-joog uga noqdaan doorashooyinka.

Waftiga oo uu hogaaminayo wakiilka midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolos Baralanga, ayaa waxa gagada diyaaradaha ee Cigaal ku qaabilay wasiir ku xigeenka arrimaha dibada Somaliland ahna ku simaha wasiirka Libaan Yusuf Cismaan.

Waftiga ayaa Somaliland u yimiday si ay goob-joog uga noqdaan doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka oo 31 bishan May lagu wado in looga dareero gudahaan Somaliland.

Waftigan ayaa noqonaya kooxdii labaad ee goob-joogayaal shisheeye ah oo Somaliland u yimaada kormeerka doorashooyinka isku sidkan ee Somaliland ka qabsoomaya.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]