7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 29, 2021
Madaxweynaha Somaliland oo xafiiskiisa ku qaabilay goob-joogayaal caalami ah


Sabti, May, 29, 2021 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wufuud ka kala yimid dhawr iyo toban dal, oo Somaliland u yimid kormeerka doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka.

Wufuuda ayaa waxa hogaaminaya agaasimaha guud ee hay’ada Brenthurst Foundation DR. Greg Mills, waxana ku wehelinaya madaxweynihii hore ee sierra leone Ernest Bai Koroma.

Waftiga ayaa sidoo kale waxa kamida hogaamiyihii hore ee mucaaradka dalka Uganda ahna musharax utagan madaxtinimada dalka DR. Kizza Besigye sida lagu sheegay warbixin lagu qoray boga Facebook ee madaxtooyada.

Warbixinta madaxtooyada ayaa lagu yidhi “madaxweynuhu waxa uu goob joogayaasha warbixin kasiiyay hannaanka ay Somaliland kusoo caana maashay ee ay halkan kusoo gaadhay in ay tahay kala danbayn iyo isu tanaasul”.

“Shacab qiimo badan oo dareensan qiimaha ay waddaniyadu leedahay taas oo sababtay in ay Somaliland u hirgalaan wax badan oo aan ka hirgalin adduunka intiisa kale, maantana Somaliland lagaga daydo”.

“Madaxweynuhu waxa uu ka codsaday goob joogayaasha in ay indhahooda kusoo arkaan horumarka dimuquraadiyadeed ee ka hana qaaday Somaliland”.

Goobjoogayaasha ayaa ka kala yimid Ingiriiska, Canada, Koonfur Afrika, Ghana, Uganda, Zambia, Kenya, Liberia, Tanzania, Zimbabwe, Namibia, Sierra leone iyo Muzambique.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]