7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 29, 2021
Xukuumadda Soomaaliya oo ku dhawaaqday in la xalinaayo tabashada reer Hiiraan ee maamulka Hirshabeelle
 

Sabti, May, 29, 2021 ( HOL ) - Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday wax ka qabashada tabashada aay shacabka reer Hiiraan ka qabaan maamul goboleedka Hirshabeelle.

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in Xukuumadda Fedaraalka aay ka go'an tahay xal u helida cabashada aay ka qabaan shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Wasiir Al-cadaala oo wareysi siinayay laanta afka Soomaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aay kala shaqeyn doonto maamulka Hirshabeelle sidii shacab reer Hiiraan looga qancin lahaa cabashada mudada dheer qaadatay ee kala dhaxeyso Hirshabeelle.

" Xukuumadda oo kaashaneysa Golaha wadatashiga qaran oo aay ku mideysan yihiin Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo shanta madaxweyne goboleedyada, guddoomiyaha gobolka Banaadir waxay diyaar u yihiin iney ka jawabaan tabashada reer Hiiraan ka qabaan maamulka Hirshabeelle" ayuu yiri wasiir Al-cadaala.

Shacabka reer Hiiraan ayaa horay u qaadacay doorashadii aay kusoo baxeen madaxweyne Cali Guudlaawe iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed, waxaana tan iyo doorashadii kadib shacabka reer Hiiraan aay soo bandhigayeen banaanbaxyo aay kaga soo horjeedaan Hirshabeelle, waxaana sidoo kale halkaasi ka abuurmay dhaqdhaqaaq ciidan oo hubeysan oo lagu magacaabo Golaha Kacdoonka Hiiraan kuwaas si cad ula dagaalamay Hirshabeelle iyagoo diiday in Cali Guudlaawe uu yimaado Baledweyne laguna Caleema Saaro.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]