7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 29, 2021
Dowladda Jabuuti oo war kasoo saartay heshiiskii aay gaareen madaxda Soomaalida
 

Sabti, May, 29, 2021 ( HOL ) - Dowladda Jabuuti ayaa si weyn usoo dhaweysay heshiiskii Khamiistii lasoo dhaafay aay wada saxiixeen madaxda dowladda Fedaraalka, kuwa dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay heshiiska taariiqiga ahaa ee aay wada gaareen dhamaan dhinacyada isku haayay siyaasada dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

"Dowladda Jabuuti waxay dhiira galineysa dhamaan saamileyda siyaasadeed ee dalka iney si buuxda uga qeyb qaataan heshiiska lagu doonayo in looga gudbo xaalad kasta oo keeni karta xasilooni darro amni oo soo wajahda dalka" ayaa lagu yiri war qoraal ah oo kasoo baxay dowladda Jabuuti.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Jabuuti waxaan taageereyna dadaal kasta oo Soomaaliya u horseedaya nabad, xasilooni iyo waliba hormar buuxa.

Ugu dambeyn dowladda Jabuuti ayaa Beesha Caalamka ka dalbatay iney si buuxda u taageeraan dadaalka ka socda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]