7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2021
Askari ka tirsanaa ciidanka Booliska oo caawa lagu diley Laascaanood
 

Arbaco May, 26, 2021 ( HOL ) - Dabley hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ayaa badhtamaha magaalada Laascaanood ku toogtay askar sida la sheegay ka tirsan saldhiga bariga magaalada.

"Waxaan maqalay rasaas waxyar ka dib hadaan goobta oo aan iftiin badan lahayn eegnayna qof yaala ayaan aragnay  mana aanaan arag wax dhaqaaqaya oo aan ka ahayn dadkii soo yaacay" sidaana waxaa HOL u sheegay nin maqaaxi u dhow fadhiyey.

Askarigan ayaa ka tegey saldhiga badhtamaha isagoo ku sii jeedey saldhiga Bariga ee ka hawl geli jirey, sida uu noo xaqiijiyey mid ka mida ciidanka saldhiga badhtamaha.

Dilkan ayaa ku soo beegmaya xili amaanka magaalada aad loo adkeeyey iyadoo lagu jiro ololaha doorashada golayaasha degaanka iyo Baarlamaanka Somaliland, waana habeenkii labaad ee rasaas magaalada ka dhacdo iyadoo laba xafiis oo xisbiyada Kulmiye iyo Wadani lala beegsaday walow aan khasaare la sheegaa ka dhicin.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood