7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2021
Ciidanka xoogga dalka oo Alshabaab ka saaray degaano hoos taga Jowhar
 

Arbaco May, 26, 2021 ( HOL ) - Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta la wareegay tuulooyin hoos taga dagmada Jowhar ee Gobalka Shabeellaha Dhexe, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Howlgal oo uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raage  ayay ciidanku kula wareegeen deegaanka Warciise oo ka tirsan Jowhar, halkaas oo muddo dheer saldhig u ahayd Al-shabaab.

Waxaa la sheegay in ay ciidanku dhowr jiho ka weerareen deegaanada Qoordheere iyo tuulooyin kale oo hoos taga Biyo Cadde ee gobolkaas

Warbaahinta dowladda waxay sheegtay in jab xooggan loo geystay Alshabaab islamarkaana ay isaga carareen deegaanadaas.

Goor sii horaysa, howlgallo qorsheeysan ayay ciidamadu ka fuliyeen degaanada War dhagax, Gaal leef, Jilable iyo Cali Fooldheere, oo dhamaantood ka tirsan Gobolka Shabeelaha dhexe.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay howlgaladan, inkasto ciidamada dowladda ay guulo ka sheeganayaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online