7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2021
Ciidamada kala duwan ee Somaliland oo shacabka fariin u diray maalmaha doorashada
 

Arbaco, May, 26, 2021 (HOL) - Saraakiisha ciidamada kala duwan ee Somaliland, ayaa shacabka ugu baaqay in ay nabad galyada ilaaliyaan, isla markaana la shaqeeyaan hay’adaha amaanka maalmaha doorashada lagu jiro.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay si adag amaanka u sugayaan, iyagoo sheegay in ay taalaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo sharciga ku gafta.

“Waxanu ka digay in sharciga lagu xad gudbo, haday tahay muwadiniinta iyo musharixiintaba, dhamaan ciidamadu waxay diyaar u yihiin difaaca dalka” abaan duulaha ciidamada millateriga Cabdirisaaq Siciid Bulaale ayaa sida yidhi.

“Ciidamadu waxay si dag dag ah talaabo uga qaadayaan wax ala wixi ku talaabsada sharci xumo” ayuu hadalkiisa ku daray abaan duule Cabdirisaaq.

Saraakiisha kale ee ciidamada kala duwan ee amaanka ayaa iyaguna iska daba maray sida loogu baahanyahay in shacab iyo ciidanba layska kaashado ilaalinta amaanka maalmaha doorashada.

Doorashooyinka deegaanka iyo wakiilada Somaliland ayaa guud ahan Somaliland looga dareeri doonaa 31 bishan May.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]