7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2021
Guddiga Fatahaadaha Baledweyne oo ka warbixiyay xaalada fatahaada wabiga Shabeelle
 

Arbaco May, 26, 2021 ( HOL ) - Guddoomiyaha guddiga fataahada Baledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxoow Haruur oo goordhaw oo maanta shirjaraa'id ku qabtay magaalada Baledweyne ayaa sheegay inay ku guuleysteen xakameynta fatahaadii ku dhufan jirtay xaafadaha magaalada.

Guddoomiye Dhagaxoow ayaa sheegay in 64 meelood oo uu wabiga Shabeelle kaga fatahi jiray Baledweyne iyo nawaaxigeeda aay sanadkaan xireen taasoo keentay in sanadkaan laga baaqsado barakacii ka dhalan jiray fatahaada wabiga Shabeelle, inkastoo xaafada dhagaxjibis laga barakacay kadib markii dadka deegaanka ay sheegeen in biyaha si kas ah loo soo furay xili habeen ah.

Waxaa xusid mudan in xaafada dhagaxjibis biyaha ka barakicin jiray sanadahii hore aay ahayeen kiliga dhagaxjibis balse sanadkaan biyo xireeno aay ka sameyeen guddiga fatahaadaha aysan kaso bixin wax biyo ah, taas badalkeeda waxaa barakiciyay biyo la sheegay in laga soo furay helada loo yaqaano xiitooyda oo aysan biyaha horay uga soo bixi jirin.

"Guusha aan ka gaarnay biya xireenada aan sameynay alle ayaa ku mahadsan intaas kadib waan wada guuleysanay hadaan nahay reer Baledweyne, inkastoo hadii aan guul dareysan laheyn guuldarada inaga lee nagu koobnan laheyn" ayuu yiri guddoomiye Xaaji Dhagaxoow.

Guddoomiyaha guddiga fatahaadaha Baledweyne ayaa sidoo kale ugu baaqay masuuliyiinta iyo waxgaradka reer Hiiraan iney baadi goobaan oo aay u istaagan lacago la sheegay in loogu deeqay waxka qabashada Fatahaadaha Baledweyne oo aanan si rasmi ah loo ogeyn cida lacagahaasi hayso.

"Dadka reer Baledweyne hadda waxay fahmeen in gacmahooda wax ku qabsan karaan oo laga hortagi karo fatahaada waxaana sanadkaan nala shaqeynayay dad sanadkii hore na dhibayay, saas aay tahay wali waxa jira dad dhibaatada ka shaqeynayay ayagana waxan ugu baaqaya iney ka wantobaan oo aay nagula soo biiraan wadada wanaaga ah" ayuu yiri Xaaji Cismaan Dhagaxoow.

Gabagabadii hadalka guddiga fatahaadaha ayaa imaanaya xili naqa wabiga Shabeelle laga dareemayo uu soo gaaray gudaha magaalada Baledweyne, taaso ka dhigan in dadaalada guddigan fatahaadaha ee biya xireenada uu mira dhalay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]