7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2021
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sheegay in heshiis laga gaaray shirka wadatashiga doorashada
 

Arbaco May, 26, 2021 ( HOL ) - Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in hogaamiyaasha federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu ay gaareen heshiis hordhac ah oo ku saabsan doorashooyinka.

Maxamed Cabdirisaaq wuxuu ku sheegay hab muuqaal ah oo uu shirka golaha ammaanka uga qeyb galay, in 3 arrimood oo waaweyn oo weli caqabado ku ahaa doorashooyinka laga heshiiyay.

"Hadda waxaan gaarnay heshiis Soomaaliya u horseedi doona doorasho loo wada dhan yahay, oo lagu kalsoonaan karo, xor iyo xalaal ah. Saddexda qodob ee muhiimka ah ee dhameystirka heshiiska dhammaantood waa laga wada hadlay oo mabda 'ahaan la isku raacay." ayuu yidhi  Maxamed Cabdirisaaq

Wasiirka Arimaha Dibada ayaa sheegay in la filayo in la soo saaro war murtiyeed rasmi ah kadib wada hadalada.

Soomaaliya ayaa gashay xiisad siyaasadeed kadib markii madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya ay ku heshiin waayeen qaabka doorashada dadban.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan, oo la hadlay Golaha ammaanka wax yar kahor hadalka wasiir Cabdirisaaq, wuxuu sheegay in ay jiraan walwal laga qabay isku dhacyada 25-ka Abriil oo uu tilmaamay  in ay sababi kareen in dalku ku dhaco fowdo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online