7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2021
Qaramada Midoobay oo ka digtay tallaabo kasta oo fashilin karta shirka doorashada

Arbaco May, 26, 2021 ( HOL ) - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa ku boorriyay hoggaamiyeyaasha Soomaaliya in ay gaaraan heshiis loo wada dhan yahay oo ku saabsan wadahadallada socda ee dalka u horseedi kara in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo hufnaan ah.

Wakiilka Gaarka ah wuxuu ku amaanay dhamaan daneeyayaasha siyaasadeed ee dadaalka ay ugu jiraan sidii xaalada loo dajin lahaa, balse wuxuu ka digay talaabo kasta oo horseedi karta burburka shirkaan oo carqaladeyn doona horumarka Soomaaliya.

“Waa lagama maarmaan in shir madaxeedka ka socda magaalada Muqdisho laga soo saaro heshiis la fulin karo oo ah in doorashada lagu qabto waqtiga ugu macquulsan. Haddii aan la helin heshiis noocaas ah, oo ay weheliso niyad wanaag iyo daacadnimo, waxaa imaan kara xasillooni darro iyo amni-darro hor leh." ayuu yidhi James Swan.

Shirka Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta galay maalin nasiino ah, iyadoo rajo weyn laga qabo in hoggaamiyeyaashu ay gaaraan heshiis ku saleysan qaabka doorashada ee 17ka Sebtember iyo soo jeedinta Guddiga Farsamada ee 16ka Febraayo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online