7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2021
Sadax ruux oo isku qoys ahaa oo lagu dilay gobolka Galgaduud
 

Arbaco May, 26, 2021 ( HOL ) - Wararka naga soo gaaraya deegaanka Garasle oo ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Balambale ayaa sheegaya in halkaasi  lagu sadax qof oo isku qoys ahaa.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay iney sadaxda ruux ku dileen gurigooda kadibna aay isaga baxsadeen goobta aay dilka ka geysteen.

Sadaxda ruux ee isku qoyska ahaa ee la dilay ayaa kala ahaa laba wiil oo walaalo ah iyo gabar aay Abti u ahayeen, waxaana wararka la helayo aay sheegayaan in loo dilay arrimo la xariira aanooyin qabiil.

Dilkaan loo geystay dadkan isku qoyska ahaa ayaa imaanaya, iyadoo maalin ka hor deegaanka Haraale oo isna ka mid ah deegaanada hoos yimaada degmada Balambale lagu dilay hal qof todobo ruux oo kalana lagu dhaawacay.

Gobolka Galgaduud waxaa si aad ah uga dhaco inta badan weeraradan gaadmada ah ee lagu beegsanayo dadka isku qoyska ah kuwaas oo salka ku haayo aargoosiga dilalka aanooyinka qabiil.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]