7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2021
Faysal Cali Waraabe oo markale ku baaqay in la joojiyo wada-hadalada Somaliland iyo dowlada Soomaaliya
 

Arbaco, May, 26, 2021 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo kumanaan taageerayaal ah kula hadlayay beerta xoriyada ee Hargaysa, ayaa ku baaqay in la joojiyo wada-hadalada Somaliland iyo dowlada Soomaaliya.

Faysal Cali Waraabe ayaa markale ku celiyay in dowlada Soomaaliya ay ka faa’iiday wada-hadalada halka qadiyadii aqoonsi raadinta ee Somaliland uu dhawac soo gadhay.

“Waxanu qabnaa in Soomaaliya wada-hadaladeeda la joojiyo, marka horeba qalad ayay inagu ahayd, way ka faa’iidaysteen wada-hadaladii inagana khasaarey inoo keentay” ayuu yidhi.

“Nidaam iyo dowlad aan jirin ayaynu adduunka ka sharciyaynay iyaguna way ka faa’iidaysteen, wixii aynu la galnay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh way baabiisay dowladan hada joogta ee Farmaajo” ayuu hadalkiisa ku daray.

Faysal ayaa sheegay in marka ugu horeysa ee la doorto golaha wakiilada ee cusub ay horgayn doonan in wada-hadalada la joojiyo.

“Baarlamaanka cusub markuu yimaado ajendaha ugu horeya waxa weeyi in wada-hadalada la joojiyo oo inagu aynu adduunka la macaamilno” ayuu yidhi.

Guddoomiye Faysal oo hore uga qayb galay wada-hadalo dhawra oo ay yeesheen Somaliland iyo dowlada Soomaaliya, ayaa hada u ollolaynaya in gabi’ahaanba la joojiyo wada-hadalada.

Abdilahi Abdi Rahman, Hiiraan Online
[email protected]