7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2021
Xulka kubada cagta Soomaaliya oo loo magacaabay tababare cusub oo kasoo jeeda Morocco
 

Arbaco May, 26, 2021 ( HOL ) - Abdellatif Salef oo dhalashadiisu tahay Morocco ayaa maanta si rasmi ah loogu magacaabay inuu noqdo tababaraha kooxda Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed isagoo qalinka ku duugay heshiis labo sano ah.

Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Yuusuf Muxudiin, ayaa soo dhoweeyay tababaraha cusub ee xulka qaranka Soomaaliya, isagoo guul u rajeeyay kooxda qaranka Soomaaliya ee Ocean Stars oo ay dhawaan kusoo wajahan yihiin cayaaro caalami ah.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan kugu soo dhoweeyo Soomaaliya. Waxaad la wareegi doontaa xulka qaranka ee Ocean Stars ee 20 jirada iyo xulka qaranka, waxaan kaa rajeyneynaa inaad la soo baxdo natiijooyin wanaagsan" ayuu yiri xoghayaha xiriirka kubada cagta.

Dhanka kale, tababaraha cusub ee Ocean Stars, Abdellatif Salef, ayaa u mahadceliyay madaxda xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta oo fursad weyn ay u siiyeen inuu hogaamiyo Ocean Stars.

"Soomaaliya waa qaran kubada cagta ah. Tan iyo markii aan imid magaalada Muqdisho, waxaan badanaa arki jiray carruur ku ciyaareysa wadooyinka magaalada Muqdisho, marka taasi waxay muujineysaa in Soomaaliya ay tahay waddan kubada cagta laga xiiseeyo" ayuu yiri tababaraha.

Xulka kubada cagta Soomaaliya ee labaatan jirada ah ayaa 20 ka bisha june ee sanadkaan la cayaaridoona xulka kubada cagta dalka Cuman, waana isreebreebka tartanka kubada cagta dalalka carabta oo lagu qabanayo Qatar.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online