7/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 26, 2021
Qaramada Midoobay oo rajo wanaagsan ka muujisay shirka madaxda Soomaalida uga socdo Muqdisho
 

Arbaco May, 26, 2021 ( HOL ) - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo shalay ka hadlay arrimaha Soomaaliya ayaa waxaa khudbad ka jeediyay Wakiilka gaarka ah Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan.

James Swan ayaa kulanka ka sheegay in shirka madaxda Soomaalida u socda ay muhiim tahay iney heshiis rasmi ah kaga gaaraan arrimaha doorashada dalka Soomaaliya.

"Waa muhiim in shirka ka socda Muqdisho aay kasoo baxaan heshiis la fulinkaro si doorashada loogu qabto waqtiga ugu yar ee suurtagalka ah" ayuu yiri Xogayaha gaarka ee Qaramada Midoobay James Swan.

James Swan ayaa sidoo kale bogaadiyay shirka madaxda Soomaalida ku doonayaan iney iyaga heshiis kaga gaaraan khilaafka ragaadiyay oo uu xusay iney ku jirto danta dalka iyo tan shacabka Soomaaliyeed.

Shirkan Qaramada Midoobay shalay oo talaado ah aay kaga hadashay xaalada dalka Soomaaliya ayaa imaanaya xili shirka Muqdisho uga socda madaxda Soomaalida shalay oo maalintii afaraad u aheyd la shaaciyay in heshiis laga gaaray qodobadii uu ka taagna khilaafka doorashada dalka ka dhaceysa, islamarkaana la filaayo in maalinta berito oo Khamiis laga soo saaro shirka War-murtiyeed faahfaahsan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online
[email protected]