
Dibadbaxayasha ayaa waxaa wajiyadooda ka muuqday dareen caro leh oo ay ka qabaan kartoonnada lagu afla-gaadeeyay Nebigeena NNKH, iyagoo sheegay inay dibadbaxooda uga dan-leeyihiin sidii ay u muujin lahaayeen sida ay uga soo horjeedaan sawirradaas lagu caayay Nabigeenna NNKH.
Sheekh Abuukar Xasan Maalin oo ka mid ah culummada Soomaaliyeed ee sida weyn loo yaqaan ayaa ka mid ahaa dadkii dibadbaxan ka qayb-galay, isagoo sheegay in sawirradaas ay yihiin kuwo diinta Islaamka lagu caynayo.

“Wadamada reer galbeedka waxaan laga doonayaa inay arintan jawaab ka bixiyaan, lagana hor-tago kuwa falalka noocan oo kale ah sameynaya. Muslimiintana waxaan ugu baaqayaa inay u midoobaan difaaca sharafta Nebi Muxamed (NNKH) iyo diinta Islaamka,” ayuu yiri Sheekh Abuukar Xasan.
Madaxda Jaamacadda Somalia Dr. Maxamed Xuseen Muumin oo ka mid ah dadkii dibad-baxan soo abaabulay ayaa sheegay in dadka muslimiinta ah la gudboon tahay inay ka hor-tagaan falalka noocan oo kale ee lagu xumeynayo diinta Islaamka iyo Nebigeena Muxamed NNKH.
Bannaan-baxyo noocan oo kale ah ayaa waxay maanta ka dhaceen, waddamo kala duwan oo muslimiin ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Yemen, Niger, Sudan iyo kuwo kale, iyadoo dibadbaxayaashu ay ka mideysnaayeen sida kartoonnada lagu afla-gaadeeyay Nebigeenna Muxamed ay uga xun yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii wargeys Faransiiska kasoo baxa oo lagu magacaabo Charlie Hebdo oo kartoonnadan daabacay ay ku qaadeen weerar laba wiil oo walaalo ah, halkaasoo ay ku dileen 12-qof oo ay ku jiraan sideed ka mid ah wariyeyaashii wargeyskaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya