
Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Ra’iisul waasaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa xalay kala diray xukuumaddii uu dhawaan soo dhisay, xilli la filayay in codka kalsoonida loo qaado maanta oo Sabti ah.
Wararka ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha Somalia uu ka dalbaday guddoonka sare ee baarlamaanka Soomaaliya in la siiyo muddo laba toddobaad ah si dib u eegis ugu sameeyo dhismaha xukuumadda.
Sharma’arke ayaa qoraal arrintan ku saabsan u gudbiyay guddoonka baarlamaanka, isagoo intii aanu qoraalkan gudbin kulan la yeeshay madaxweynaha Somalia, guddoomiyaha iyo ku xigeennada baarlamaanka Somalia, iyadoo la filayo in Sharma'arke uu maanta hortago xubnaha golaha baarlamaanka Soomaaliya si uu ugu gudbiyo xildhibaannada codsigiisa ah in xilli dheeraad ah la siiyo.
Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in ra’iisul wasaaruhu uu kulanka baarlamaanka ee maanta ka sheegi doono inuu ka laabtay golihii wasaaradeed si uu xukuumad kale u soo dhiso.
“Qoraalka ra’iisul wasaaruhu u soo gudbiyay guddoonka baarlamaanka wuxuu ku sheegay inuu ka laabtay xukuumaddii uu soo dhisay, kaddib markii uu arkay inaysan kalsooni ka heli karin baarlamaanka, uuna doonayo in la siiyo 14 maalmood oo dheeri ah si uu ugu soo dhisay xukuumad kale,” ayuu yiri xildhibaan Bishaar Ugaas oo la hadlay VOA-da.
Sidoo kale, xildhibaanka ayaa hadalkiisa ku daray in qoraalka uu ku sheegay Sharma'arke inuu soo dhisayo xukuumad kale, iyadoo tani ay imaanayso xilli ay xildhibaannada golaha baarlamaanku ay maalin ka hor diideen codsi uu u soo gudbiyay oo ahaa in dib loo dhigo xilliga baarlamaanka la horkeenayo xukuumaddiisa, si uu isku diyaariyo.
Xukuumadda uu soo dhisay ra’iisul wasaare Sharma'arke ee uu ku kala diray xukuumaddii uu soo dhisay oo ka koobnayd 60-xubnood oo uu ku jiro ra’iisul waasare ku xigeen, iyadoo noqonaysa tii ugu horreysay oo la kala diro iyadoo aan la marin baarlamaanka Soomaaliya.
Si kastaba ha ahaatee, xukuuumaddan ayaa waxaa ku jiro wasiirro horay uga tirsanaa xukuumadihii hore, kuwaasoo xildhibaannadu ay ku eedeeyeen inaysan ahayn kuwo wadi kara howlaha laga sugayo xukuumadda cusub.
HALKAN KA AKHRISO GOLIHII WASIIRRADA EE RW UU MAGACAABAY
Wixii arrintan kusoo kordha waxaad kula socon doontaan wararkeenna soo socda haddii ALLE ogolaado.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya