Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Shir ay ka qayb-galeen jaaliyadda gobollada dhexe ee gobolka Minnsota ku nool, kaasoo ay ku taageereen heshiis ay dhawaan Muqdisho gaareen waxgaradka iyo salaaddiinta siddeed beelood oo dega gobollada Mudug & Galgaduud ayaa habeenimadii Jimcaha ahayd lagu qabtay hoolka shirarka ee Grandview ee Minneapolis.
Xafladdan ayaa waxaa ka qaybgalay qaybaha bulshada gobolka Minnesota ee kasoo jeedda gobollada dhexe, iyagoo watay calaamado ay halku-dhigyo kala duwan ku qornaayeen, kuwaasoo lagu taageerayo heshiiska dhawaan lagu gaaray Muqdisho oo dhigayay in gogol dib u heshiisiin ah la dhigo magaalada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galguduud, taasoo ay beelahan isugu imaanayaan.
Qaban-qaabiyeyaashii xafladda iyo marti-sharaftii kale ee ka qeyb-galay ayaa waxay hal-kaas kasoo jeediyeen khudbado ay diiradda ku saareen sida ay lagama maarmaan u tahay qabashada shir dib u heshiisiineed ka hor inta aan la qaban shirka maamul u sameynta gobollada dhexe.
Salaadiinta iyo oday-dhaqameedyada kasoo jeeda gobolalda Galgaduud iyo Mudug ayaa soo gaaray magaalada Dhuusamareeb, waxaana la filayaan in inta dhiman ay maalmaha soo socda yimaadaan caasimadda Galgaduud.
Xafladda oo ku billaabatay jawi deggen kuna soo idlaatay hambalyo iyo duco loo diray salaaddiinta iyo waxgaradka gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa qaban-qaabiyaasha xafladda waxaa ka mid ah; C/qaadir M. Cali (Dalmar) oo HOL u sheegay in ujeeddada ay isagu yimadeen kaliya ay tahay taageero ay siinayaan shirkaa inaan farayno in la adkeeyo nabadda gobollada dhexe, in la fuliyo baaqii shirkii IGAD ee dar-dar-galinta shirka maamul u sameynta gobollada Mudug iyo Galgaduud.
Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA









