
Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha maamulka KMG ee Jubba, Sh. Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay inay qaadi doonaan dagaal ay Al-shabaab kaga saarayaan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.
Sh. Axmed Madoobe ayaa hadalkan warbaahinta ugu sheegay xarunta dalka Kenya ee Nairobi oo uu ku sugan yahay, isagoo xusay inay go’aan ka tahay inay Al-shabaab ka saaraan deegaannada uu maamulkiisa ka taliyo.
“Ciidamada Jubba iyo kuwa AMISOM waxay isku diyaariyeen inay weerarro ku qaadaan deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay Jubbaland, uuna dagaalkaas u billaaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan,” ayuu yiri Sheekh Axmed Madoobe oo aan si rasmi ah u sheegin xilliga dagaalku billaabanayo.
Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Beesha Caalamka, maamulkeyga iyo AMISOM way kawada tashadeen sidii Al-shabaab looga saari lahaa gabi ahaan deegaannadooda, arrintaasna waa midda aan Nairobi u joogo.”
Dhanka kale, Sh. Axmed Madoobe ayaa ka hadlay dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba, isagoo sheegay in howshaas ay wadaan oday-dhaqmeedyo deegaannada maamulka ku sugan.
“Xulista xildhibaannada baarlamaanka Jubba ma ahan mid innaga naga iman doonta, balse waxaa soo xulaya odayaasha deegaanka, howshaasna meel wanaagsan ayay maraysaa,” ayuu si kooban u yiri Sh. Axmed Madoobe oo ka hadlayay dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.
Si kastaba ha ahaatee, deegaanno badan oo ka tirsan Jubbooyinka oo uu ku jiro gobolka Jubbada dhexe oo dhan ayaa waxaa gacanta ku haysa Xarakada Al-shabaab, iyadoo aan la ogeyn sida qorshaha maamulkan uu ku fuli karo.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya