
Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Allaha u raxmadee fannaankii caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa maanta ku geeriyooday cisbitaalka guud ee magaalada Hargaysa ka dib xanuun ku soo booday.
Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa,ayaa saxaafadda u xaqiijiyey dhimsahada fanaan Kulluc oo bilihii u dambeeyey bukaan socod ahaa, hayeeshee maalmihii u dameeyey la moodayey inuu soo ladnaanayo, wallow agaasimu sheegay inuu u geeriyooday ka dib markii uu neef-qabatoobay taas oo degdeg cisbitaalka loo soo gaadhsiiyey.
Fannaanka Maxamed Axmed Kuluc wuxuu ka mid ahaa Fannaaniinta Caanka ka ah ee laga wada yaqaanay dhulka Soomaalida degto, waxaanu ka mid ahaa hal doorkii aasaasay fanka casriga ah, waxaanu ka qaybqaatay heesihii gobonimodoonka ee lixdankii ee gumaystihii Ingiriiska lagaga xoreynayay Somalia iyo fankii dhexe ee Soomaaliya socotay isagoo inta badan qaadi jiray heeso wadani ah, kuwo guubaabo iyo heeso jacayl-ba.
DHAGEYSO: QAAR KA MID AH HEESIHII UU QAADAY MARXUUM KULUC
Si kastaba ha ahaatee, Marxuum Kuluc ayaa lagu xasuusan doonno doorki uu fanka kaga jiray iyo heesihiisa wakhti walba la jaan qaadi jiray, waxaana taariikh nololeedkiisa oo dhamaystiran dib idinku soo daabi doonnaa.
Waxaana leenahay illaahay Jannnadii ha ugu deeqo inaga samar iyo iimaan ha inaga siiyo.
Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland