Maxaa la filan karaa kala dirista xubnaha golaha Wasiirrada kaddib [FAALLO]

Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa noqday ra'iisal wasaarihii ugu horeeyay ee durbaba ku dhawaaqa inuu kala diray xukuumad dhisan wax ka yar hal todobaad islamarkaana aan wali helin kalsoonida baarlamaanka.

Ra'iisal wasaaraha ayaa go'aankan qaatay kaddib markii uu arkay culeyska siyaasadeed ee ka dhax-jira golllaha shacabka oo intooda badan muujiyay sidda aysan ula dhacsaneyn xukuumada cusub oo ay ku tilmaameen ay tahay mid ku dhisan rabitaanka madaxtooyada oo aan ku iman magacaabis uu u madaxbannaanaa ra'iisal wasaaraha.

Ra'iisal wasaare Sharma'arke ayaa warqada uu u dirray xalay guddoonka baarlamaanka waxaa uu ku sheegay in la siiyo mudo 14 cisho ah oo uu ku soo dhiso sidda uu hadalka u dhigay xukuumad u cuntanta xildhibaannada baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed, hasse ahaatee su'aasha is-weydiinta mudan ayaa ah ''Maxaa laga fillan karaa ra'iisal wasaaraha kala dirrista xubnihii gollaha wasiirrada kaddib?

Dabcan, jawaabta su'aasha waxay noqoneysaa in uu soo dhiso xukuumad cusub, inkastoo nooca xukuumadaa uu soo dhisayo laftirkeeda dood laga keeni karo, tusaalle ahaan sidda laga yeellayo shaqsiyaadka la tilmaamay ee ka tirsanaa xukuumada  hore kuwaa oo la leeyahay waxaa ay gacan-saar wanaagsan leeyihiin madaxweynaha.

Dadka sidda weyn u odorasa arrimaha siyaasada dalka ayaa qaba in markan ra'iisal wasaaruhu heysto fursad uu wax kala dooran karo, mana sahlana in uu mar kale soo celiyo xukuumad u muuqaal iyo sawir eg tan hadda la sheegay in laga noqday.

Xildhibaannada baarlamaanka gaar ahaan kuwii muujiyay diidmadooda gollaha wasiirrada cusub, ayaa tallaabadan u arka guul-weyn oo dhinacooda u soo hooyatay, madaama ay isku arkayaan in ra'iisal wasaaruhu qaatay tallooyinkii ay u soo jeediyeen.islamarkaana ku soo darri doonin xukuumada danbe ragga fartu-ku-godan tahay ee xasaasiyada badan laga qabo.

Dowladda oo ah mid ku dhisan awood qeybsiga 4.5 ayaa beellaha ugu tunka weyn waxaa ay durbaba bilaabayaan dagaal siyaasadeed hoose oo ay u galli doonaan wasaarradaha ugu miisaanka culus xukuumada, madaama laga yaabo in beellaha qaar waayaan wasaarrado ay horay ugu magacawnaayeen mar haddii uu ra'iisal wasaaruhu sheegay in dib loogu noqonayo dhismaha xukuumada.

Waxaan meesha ka marnayn siyaasiyiin saameyn weyn ku leh dhismaha xubnaha gollaha wasiirrada oo ku dadaali doona in ay gollaha ku sii hayaan shaqsiyaad ay xulufo gaar ah yihiin ama ku soo darraan wajiyo cusub haddii ay dhacdo in seeftu la tagto saaxiibadoodii hore.

Si kastaba, waxaa isha lagu wadda hayaa nooca xukuumada danbe ee uu la soo shir taggi doono ra'iisal wasaare Sharm'arke madaama u heysto mudo labo todobaad ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya