Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Madaxweeyne kuxigeenka maamulka Jubbaland Mudane C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo iyadoo ay si diiran usoo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland iyo qeybaha bulshada ku dhaqan Kismaayo.
Madaxweeyne kuxigeenka ayaa safarro shaqo ugu maqnaa dalalka Itoobiya iyo Kenya, waxaana markii uu kasoo dagay garoonka kadib uu shir jaraa’id ku qabtay hoolka nasashada ee garoonka Kismaayo.
Madaxweeyne kuxigeenka oo warbaahinta la hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo dhinaca kale sheegay in bilaaban doonto dhisidda golaha baarlamanka ee maamulka Jubba.
Baarlamanka cusub ee uu yeelan doono maamulka ayuu madaxweeyne ku xigeenku sheegay in ay soo xulidiisu imika ka socoto gudaha magaalada Kismaayo, dhawaan ay soo gabagabeyn doonaan dhismaha baarlamanka.
Imaatinka madaxweeyne ku xigeenka maamulka Jubbaland Mudane C/laahi Sh. Ismaaciil (Fartaag) ayaa kusoo beegmeysa xilli magaalada Kismaayo ay ka soconayaan kulamo gooni gooni ah oo ay yeelanayaan odoyaasha dhaqanka beelaha dega Jubooyinka, kuwaasoo lagu soo xulayo xubnaha cusub ee ka qeybgali doonaan baarlamanka la filayo in dhawaan la dhiso.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba oo dib ugu soo laabtay Kismaayo
More News
- Mudaaharaad ka dhan ah Afla-gaadadii Nebiga NNKH oo Muqdisho ka dhacay
- Siilaanyo oo safar ku Maraya Deegaanada ku yaalla soohdinta SL iyo Itoobiya
- DAAWO: Qaabkii uu baarlamaanku ku ogolaaday codsigii R/wasaara Somalia
- RW Sharma'arke oo go’aankii Baarlamaanka soo dhaweeyay Kana Hadlay Kala Dirisitii Wasiirrada
- JAWAARI: Xirtaanka Kal-fadhiga 5-aad ee Baarlamaanka dib ayaa loo Dhigay
- Xisbiga UCID oo Dhaliishan Sababihii Xilka looga Qaaday Garsoorihii HUBAAL
- Maxaa la filan karaa kala dirista xubnaha golaha Wasiirrada kaddib [FAALLO]
- Fanaankii Soomaaliyeed Maxamed Axmed Kuluc oo ku Geeriyooday Hargeysa
- Kulan lagu taageeray Heshiis Muqdisho lagu gaaray oo ka dhacay Minneapolis
- Ciidamada Sierra Leone oo gabi ahaanba isaga baxay Soomaaliya [SAWIRRO]
- Baarlamaanka oo aqbalay waqtigii dheeriga ahaa ee uu dalbaday RW Somalia
- Madaxweynaha Puntland oo Maanta Qardho Kula Kulmay Maamulka Gobolka
- Xildhibaannada Baarlamanka oo loo Qaybinayo Maanta Qoraalkii RW Somalia
- AXMED MADOOBE: Waxaanu Qorsheynay in Al-shabaab laga Saaro Jubbaland
- Bambaanooyin Xalay lagu Weeraray Idaacadda Gaalkacyo ee Gobolka Mudug
- Ra'iisul Wasaare Sharma'arke oo Xalay kala diray Wasiirradii Xukuumaddiisa