Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Xildhibaanada baarlamaanka Somalia oo maanta kulan ku yeelanaya xaruntooda Muqdisho ayaa loo qaybin doonaa qoraalkii uu ra’iisul wasaaraha Somalia ku kala diray xukuumaddiisii oo xalay uu ku wareejiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Warqada uu soo gudbiyay ra’iisul wasaaraha ayaa xildhibaannada loo akhrin doonaa ka hor inta aan xildhibaannada loo qaybin, iyadoo la filayay in codka kalsoonida ah loo qaado xukuumadda Sharma’arke uu soo dhisay maanta oo Sabti ah.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa ka dalban doona baarlamaanka inay 14 maalmood oo dheeraad ah la siiyo si uu u soo dhiso xukuumad uuna uga fogaado mid ka mid ah wixii horay u dhacay, isagoo sheegay inuu wadatashi kala yeelan doono xukuumadda uu soo dhisayo xildhibaanada iyo madaxda dalka.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah xohayeyaasha baarlamaanka ayaa warbaahinta u sheegay in kulanka maanta uu ra’iisul wasaaraha Somalia ku soo bandhigi doono is-bedel ku yimid xukuumaddiisii, taasoo uu kala diray.
“Maanta baarlamaanku wuu kulmayaa, waxaana laga sugayaa ra'iisul wasaare Cumar in uu soo bandhigo is-bedel la filayo in xukuumaddiisa uu ku yimid, waxaanan sugaynaa inuu horyimaadi xildhibaannada lagana hor-akhriyo qoraalkiisa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya,” ayuu yiri Maxamed Cumar.
Golihii wasiirrada ee uu ra’iisul wasaaruhu kala diray ayaa waxaa horay uga hor-yimid xildhibaannada baarlmaaanka qaarkood, kuwaasoo ku tilmaamay inay tahay mid dano gaar ah laga leeyahay, sidaa daraadeedna aysan codka kalsoonida siin doonin.
Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa xalay kulammo la yeeshay madaxweyne Xasan Sheekh iyo guddoonka baarlmaaanka Somalia, iyadoo si wadajir ah loogu go’aansaday kulankaas in xukuumadda la kala diro.
Qoraalka uu ra’iisul wasaaruhu u gudbiyay guddoonka baarlamaanka ayuu ku sheegay in markii uu arkay in xukuumaddan aysan kalsooni ka helayn baarlamaanka uu go’aansaday inuu kala diro, dibna u soo dhiso xukuumad cusub.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa imaanaysa iyadoo buuq badan uu ka yimid wasiirradii 60-ka ahaa ee uu ra’iisul wasaaraha Somalia toddobaad ka hor soo magacaabay, iyadoo xukuumaddan ay noqonayso tii koowaad oo la kala diro iyadoo aan baarlamaanka Somalia la marin.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya