Madaxweynaha Puntland oo Maanta Qardho Kula Kulmay Maamulka Gobolka

Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland. C/weli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi la socda oo isugu jiro wasiirro iyo xilhibaanno ayaa safar aan horey loo sii shaacin maanta ku soo gaaray degmada Qardho ee xarunta gobolka Kar-kaar.

Inta badan dadweynaha degmada ayaa madaxweynaha iy wafdigiisa ku soo dhaweeyay Qardho ,waxaana safarkiisa ku wehliya xubno muhiim ah oo ka tirsan golaha wasiirada iyo qaar kamid ah waxgaradka gobolka oo madaxweynaha ka soo raacay Garowe.

“Halkan waxa ay u yimaadeen in ay xarigga ka jaraan mashaariic sanadkii tagay laga hirgalayay Qardho oo ay iska kaashadeen dowladda iyo hay’adaha Qaramada Midoobay “ayuu yiri duqa degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise oo la hadlay warbaahinta.

“Imaanashihiisa waxa ay qayb- ka tahay dar-dargalinta howlaha horyaalla xukuumadda sanadkan cusub ,waxaana degmo kasta sida oo kale xarigga looga jiri doona mashaariicda la qabtay “ayuu mar kale yiri Maxamed Siciid.

Madaxweynaha Puntland oo isna si kooban warbaahinta ula hadlay ayaan shaacin mudada ay qaadan doonto safarka uu ku soo gaaray degmada Qardho ,balse xusay in uu kulamo la qaadan laamaha dowladda ee degmada  .

Ugu danbayn ,madaxweynaha ayaa lagu wadaa in sidoo kale uu xarigga ka jaro garoonka diyaaradaha ee degmadaas oo bilihii la soo dhaafay  uu ku socday dayactir ,waxaana lagu wadaa in hadda ka dib si rasmi ah diyaarudhu u isticmaalaan.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]