DAAWO: Qaabkii uu baarlamaanku ku ogolaaday codsigii R/wasaara Somalia

Sabti, Janaayo 17, 2015 (HOL) — Xildhibaannada Baarlmaaanka Soomaaliya ayaa maanta ogolaaday codsigii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar C/rashiid kaasoo ahaa in la siiyo laba toddobaad oo uu xukuumad kusoo dhiso, kaddib markii uu xalay kala diray wasiirradii uu 12-kii bishan Jannaayo magacaabay.

Muddo kordhinta baarlamaanka ayaa waxaa ogolaaday 190 xildhibaan, 10-xildhibaan waa diideen, laba mudanena way ka aamuseen, iyadoo Jawaari uu sheegay in ra’iisul wasaaraha Somalia laga doonayo inuu muddadaas ku soo dhiso xukuumad.

DAAWO: Qaabkii Xildhibaanadu ay ku aqbaleen codsigii RW
 


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya