Isniin, June 09, 2014 (HOL) :- Dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ayaa caawa salaadii maqrib kadib xilliga Soomaaliya weerar culus ku qaaday saldhig ay ciidamada maamulka Jubba ku leeyihiin xaafadda Calanleey gaar ahaan waaxda V-afmadow.
Saldhigga la weeraray ayaa waxa ku sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka maamulka Jubba, waxaana labada dhinac dhexmartay israsaaseyn xooggan oo socotay qadar daqiiqado ah.
Ilaa hadda inta la ogyahay laba askari oo dhinacyadii dagaalamay ah ayay dhaawacyo kasoo gaareen, mana cada qasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray labada dhinac.
Dagaalyahannadii weerarka soo qaaday ayaa goobta isaga baxsaday, waxaana xaafadda uu weerarku ka dhacay baaritaanno ka wada ciidamada ammaanka maamulka Jubba.
Weerarkan qorsheeysan ee ay xoogagga Al-shabaab caawa kusoo qaadeen magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya iyadoo ammaanka magaalada Kismaayo uu maalmihii u danbeeyay ahaa mid soo hagaagaya.
........
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.
Al-shabaab oo weerartay Saldhig ciidan oo ku yaal Kismaayo
More News
- Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada degmada Marko iyo dadka oo cabsi qaba
- Nicholas Kay iyo Anaadiif oo ka hadlay Colaadda Gobolka Shabeellada Hoose
- SIILAANYO: "Beesha Caalamku Waa in ay Nagu Taageeraan Hadafkeenna"
- Wasaaradda iyo Rugta Ganacsiga oo diiday ka Qayb-galka Shirka Sweden
- Ciidamada Dowladda, AMISOM iyo Al-shabaab oo ku diriray Dulleedka Xudur
- Dood ku Saabsanayd Wacyi-gelinta Dhallinyarada oo Muqdisho lagu Qabtay
- Makamadda Ciidamada PL oo sii daysay Eedaysanayaal dambi lagu waayey
- Shirkii Khaatumo oo ka furmay Taleex iyo kala qeybsanaan ka dhex-muuqata
- Ganacsato Somali iyo Ajnabi ah oo lagu dilay laguna dhaawacay South Afrika
- C/WELI SHEEKH: Dagaalka waa in si dhaqso ah loo joojiyo lana Wadahadalo
- Dowladda Ingiriiska oo qabanaysa shir looga hadlayo Tacadiyada Haweenka
- Islaax oo Cambaareysay ka Qaybgalka Xasan Sheekh ee caleemo-saarkii Siisi
- Ardayda Jaamacada Banadir oo la siiyay tababar la xiriira cudurada dhimirka
- Diyaarado Gargaar lagu Gaarsiiyay Degmada Waajid ee Gobolka Bakool
- Mareykanka oo Muwaadiniinta ku sugan Jabuuti ugu baaqay inay Taxadaraan
- Malleeshiyo hubeysan oo la wareegtay saaka gacan ku haynta Degmada Marka