Mareykanka oo Muwaadiniinta ku sugan Jabuuti ugu baaqay inay Taxadaraan

Isniin, June 09, 2014 (HOL) — Mareykanka ayaa muwaadiniinstiisa ku sugan dalka Jabuuti uga digtay inay tagaan goobaha ay shacabku isugu yimaadaan, hoteellada waaweyn iyo fagaarayaasha, si aysan ula kulmin weerarro argagaxiso.

Hadal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa loogu sheegay shacabka Mareykanka ah ee doonaya inay Jabuuti u safraan inay muujiyaan taxaddar dheeraad ah.

“Way sii kordhayaan warbixinnada aan helayno ee ku saabsan inay soo wajahan yihiin weerarrada argagaxiso ee ka dhanka ah shaqsiyaadka Mareykanka ee ku sugan Qaaradda Afrika, marka waxaan uga digaynaa shacabka Mareykanka inay ka fogaadaan goobaha ay khataraha argagaxiso ka dhici karaan,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Sidoo kale, dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in weerarkii ka dhacay Jabuuti 24-kii bishii May ee lasoo dhaafay ay ahaayeen kuwo argagaxiso oo lagu beegsanayay dadka reer galbeedka ah, kaasoo dhaliyay khasaare dhimasho iyo mid dhaawac.

“Shaqaalaha safaaradda Mareykanka ee Jabuuti waa inay ka fogaadaan hoteellada, baararka iyo goobaha kale ee ay shacabku isugu yimaadaan,” ayaa lagu yiri warka wasaaraddu ay soo saartay.

Al-shabaab ayaa waxay sheegatay mas’uuliyadda weerarkii ka dhacay magaalada Jabuuti, kaasoo ay fuliyeen laba qof oo kala ahaa wiil iyo gabar, inkastoo dowladda Jabuuti ay sheegtay in weerarkaas uusan khasaare badan geysan.

Sheekh Cali Dheere oo ah afhayeenka Al-shabaab ayaa sheegay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo ay ku beegsanayeen laba sarkaal oo Faransiis ah, kuwaas oo uu sheegay inay halkaas ku dileen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Mareykanku uu soo saaro digniinno noocan oo kale ah, kuwasaoo muwaadiniintiisa uu uga digayo inay u safraan dalal ku yaalla Afrika, sida Soomaaliya iyo Kenya oo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya