Isniin, June 09, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed oo saaka shir guddoominayay kulan deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen guddiyada amniga iyo siyaasadda ayaa ku baaqay in si deg-deg loo joojiyo dagaallada u dhexeeya walaalaha maalmihii u dambeeyey ka socday gobolka Shabellaha Hoose.
Shirkan ayaa guddiyadu waxay ku lafa-gureen xaaladda murugsan ee ka taagan gobolka Shabellada Hoose. Kaddib markii ay xukuumaddu heshay xog sheegaysa in magaalada Marka ay saaka mar kale dagaallo ka dhaceen.
iyadoo laga jawaabayo xaaladdaas, waxaa xukuumaddu go’aansatay qodobbada hoos ku qoran:
1. In laga billaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 09/06/2014, gabi ahaan in la joojiyo xabadda iyo colaadeed.
2. In si deg-deg ah looga saaro dhammaan maleeshiyaadka hubeysan ee ku sugan goobihii lagu diriray laguna wareejiyo ciidamada dowladda.
3. In mas’uuliyadda amni ee magaalada Marka iyo guud ahaan gobolka ay si deg-deg ah ula wareegaan ciidamada amniga Soomaaliya.
4. Si loo fuliyo howshaas deg-degga ah, waxaa magaalada Marka tagaya wafdi sare oo ay hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha gudaha iyo federaalka iyo kan gaashaandhigga ahna sii haya wasiirka amniga Qaranka.
5. Waxaa laga dalbanayaa taliska ciidamada AMISOM in ay gacan baaxad leh ka geystaan xabad-joojinta iyo xasilinta amni ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Ra’iisul wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalada ka socda gobolka Shabeellada Hoose nasiibo-darro u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed oo colaado kasoo daalay.
“Aad ayaan uga xumahay dagaalka ka dhacayey gobolka Shabeellada Hoose maalmihii u dambeeyay, waana dagaal ay wax yeello kasoo gaartay dad shacab ah, madaama dushooda lagu dul-dagaalamay. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaalka, khilaafkana gogol nabadeed lagu xalliyo,” ayuu yiri C/weli Sheekh oo dhanka kalana tacsi u diray qoysaskii dadkoodu ku wax-yeeloobeen dagaalkaas.
Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa xusay inaan marna loo dulqaadan karin dhiig Soomaaliyeed oo sii daata, dagaallada hadda socdana ay yihiin kuwo ay Al-shabaab ka faa'iideysanayso.
“Xukuumaddu waxay aad ugu mashquulsan tahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dagaalka soo noq-noqonayay ee gobolka Shabeellada Hoose ka taagan,” ayuu hadalkiisa ku daray ra’iisul wasaaraha Somalia, isagoo dhinaca kalena waxgaradka gobolka Shabeellada Hoose ka dalbaday inay ka qayb-qaataan xal-u-helidda dhibaatada gobolka ka jirta.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya