Nicholas Kay iyo Anaadiif oo ka hadlay Colaadda Gobolka Shabeellada Hoose


Isniin, June 09, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa is isku mid ah uga hadlay dagaallada ka socda gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo walaac ka muujiyay colaaddaas, kuna baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo.

War-saxaafadeed uu soo saaray ergeyga Qaramada Midoobay ee Somalia, Danjire Nicholas Kay ayuu walaac kaga muujiyay dagaal beeleedyada ka socdo gobolka Shabeelada Hoose, kaasoo sababay in tiro dad ah ay wax ku noqdaan.

“Waxaan ku baaqayaa in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda ka socoto halkaas. Waa in dhinacyada arrintu khuseyso ay ka joogsadaan falalka dagaalka, ayna si dhaqso leh u sameeyaan dadaal ay ku daminayaan xaaladda, khilaafaadkoodana ku xal uga gaarayaan, iyagoo u marayo si nabad iyo isu-tanaasul ku dheehan,”  ayuu Kay ku yiri War-saxaafadeedkisa.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray: “Waxaan soo dhaweynayaa dadaalka uu sameeyay ra’iisul wasaare, C/weli Sheekh Axmed, kaasoo lagu daminayo colaadda gobolkaas ka taagan, laguna soo celinayo xasilloonida. Waxaan dhinacyada oo dhan ugu baaqayaa inay ixtiraamaan baaqa kasoo yeeray ra’iisul wasaaraha dalka oo uu ku dalbanayo in colaadda si deg-deg ah loo joojiyo loona hoggaansanaado wafdiga wasiirrada ah ee loo diray gobolkaas. Dadka Soomaaliyeed in ku fulan ayay soo dhibtoodeen waxayna ogyihiin in wax wanaag ah aanay ka imaanayn colaad iyo amni-xumo hor leh oo hadda la galo. Waxaan diyaar u nahay inaan ka qeyb-galno wixi dhexdhexaadin ah,” ayuu yiri qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay dajire Kay.

Dhanka kale, wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, danjire Maxamed Saalax Anaadif ayaa isna warsaxaafadeed uu soo saaray ku muujiyay walaaciisa colaadda gobolka Shabeellada Hoose ka socota, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada inay si deg-deg ah u joojiyaan gacan ka hadalka.

“Waxaan ku baaqayaa deggenaansho iyo dib u heshiisiin. Xaaladda laguma xallin karo gacan ka hadal. Dinacyada oo dhan waa inay ka joogsaaan falalka gacan ka hadalka ah, sameeyaanna dadaallo toos ah oo ay uga gudbayaan xaaladdaas kuna xalliyaan farqiga u dhexeeya wada-hadal nabadeed iyo xal waara," ayuu Anaadif ku yiri qoraalkiisa. Isagoo intaas ku daray dagaalladu waxay hor-istaagayaan geeddi socodka guulihii laga gaaray xasilinta Soomaaliya.

Danjire Anaadiif wuxuu ku cel-celiyay ballan-qaadka AMISOM ee ah inay si aad u dhow ay ula shaqeyn doonto dowladda federaalka Soomaaliya iyo xoogageeda si loo xasiliyo dalka ammaanna looga dhigi lahaa.

“AMISOM oo la tashaneyso bulshada caalamka waxay u joogtaa inay ku taakuleyso dhammaan dhinacyada sidii loo heli lahaa is fahan buuxo taasoo qayb ka ah qorshe ay sare ugu qaadayso nabada, amaanka iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu isna ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa.

Wararku waxay sheegayaan inay dadka rayidka ah billaabeen inay magaalada iyo dhulka ku hareereysan ka barakacaan, cabsi ay ka qabaan inuu dagaal kale dhib uga qarxo Marko, iyadoo dad ka badan 250-qof ay magan-gelyo ahaan maanta u galeen xarumaha AMISOM ee Ceel Jaalle iyo Marka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya