Isniin, June 09, 2014 (HOL) — Ardayda Jaamacadda Banaadir ayaa loo qabtay tababar ku saabsan caafimaadka cudurada ku dhaca dhimirka ama maskaxda ee loo yaqaanno (Mental Health), waxaana casharradan bixinayay Dr. C/casiis Muuse Maaxaay oo ah samafale iyo aqoonyahan dhinaca caafimaadka ah.
Dhegeysiga casharkaas ayaa waxaa ka qayb-galay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta, macalimiinta iyo ardayda wax ka barata kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir, aqoon-yahanno iyo marti sharaf kale oo ka tirsan bahda waxbarashada.
Ugu horreyn waxaa kulanka hadallo soo dhaweyn ah ku furay hormuudka kuliyadda caafimaadka Jaamacada Banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo ka warramay faa’iidada ay leeyihiin dhageysiga casharrada noocan ah iyo sida loogu baahan yahay in looga faa’iideysto.
“Waxaa sharaf weyn inoo ah inaan kasoo wada qeyb-galno casharka uu halkan ka bixinayo dhaqtar Soomaalida qaalli ku ah oo sidoo kale ah aqoonyahan iyo madaxa hay’adda SOMCARE oo ah hay’ad ka shaqeysa arrimaha bani’aadamnimada iyo sidii shacabka kuwooda dhibaateysan wax loogu qaban lahaa,” ayuu yiri Dr. Biday.
Intaa kaddib waxaa lagu soo dhaweeyey hadalka, Dr. Cabdi Muuse Maaxaay oo ah aqoonyahan ku nool dalka Maraykanka, isagoo ugu horreyn uga mahad-celiyay maamulka, macallimiinta iyo ardayda jaamacada Banaadir sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyeen iyo dadaalka ay ugu jiraan xoojinta aqoonta.
“Waxaan tagay xarunta Jaamacadda Banaadir runtii filan-waa ayay igu noqotay waxaan la kulmay markii la igu soo wareejiyay qaybaha jaamacadda, ardayda faraha badan ee wax ka barata iyo duruuafaha ka jira dalka oo laga yaabo inay qaarkood dhaawacmeen, qaar kalena dhibatooyin kale haystaan,” ayuu yiri Dr. Maaxaay oo u hambalyeeyay maamulka, macallimiinta iyo ardayda jaamacadda Banaadir.
Dhinaca kale, Dr. Maaxaay ayaa sharaxaad ka bixiyay caafimaadka maskaxda oo uu sheegay inay ku dhacaan xanuunno badan oo isugu jira cudurro caadi ah iyo kuwa nafsi ah, wuxuuna tilmaamay dhibaatada qofka soo gaari karta haddii ay wax ka gaaraan askaxda.
“Cudurrada ku dhacda maskaxda qaybo badan ayay u kala baxaan, waana cudurro la mid ah kuwa caadiga ah ee la maqlo sida sokorta IWM oo dadka qaar ku dhaca, waxaana cudurradan ay ku haleelaan inta badan qaybaha bulshada,” ayuu yiri Dr. Maaxaay.
Dhakhtarku wuxuu aad uga hadlay caafimaadka maskaxda, isagoo xusay in Ciraaq, Soomaaliya iyo Afghanistan ay safka hore kaga jiraan meelaha ay ku badan yihiin cudurrada ku dhaca dhimirka maadaama ay ka jiraan dagaallo iyo duruufo nololeed oo aad u adag sida ammaan-darro, shaqo la’aan, cudurro IWM.
Sidoo kale, Maaxaay ayaa sheegay in dad fara badan oo ku nool waddamada ay ka jiraan colaadaha iyo saboolnimada ay qabaan cudurrada dhimirka nooc ka mid ah; iyagoo aan is ogeyn kaddib markii ay goob joog u noqdeen ayuu yiri xaalado aysan xamili karin maskaxdooda.
Dr. Cabdi Muuse ayaa ka jawaabay su’aalo ku saabsan caafimaadka dhimirka oo ay weydiiyeen ardayda jaamacadda Banaadir iyo qaar ka mid ah dadweynihii kasoo qaybgalay aqoon-kororsigaas ahaa.
Guddoomiyaha jaamacadda Banaadir, Dr. C/llaahi Sheekh Xuseen Bushkuleeti oo isna halkaas ka hadlay ayaa u mahad-celiyey Dr. C/casiis Muuse Maaxaay, isagoo xusay in casharrada noocan ah loo baahan yahay in la kordhiyo maadaama Somalia ay ka mid tahay dalalka ay aafeeyeen cudurrada ku dhaca dhimirka.
Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo isna ka mid ah aasaasayaasha Jaamacadda Banaadir ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gunaanadkii hadlay ayaa u mahad-celiyey Dr. Maaxaay iyo qaban-qaabiyeyaashii barnaamijkan.
“Waxaan rabaa inaan si kooban u xuso waxqabadkii Dr. Cabdi Muuse Maaxaay oo ah aqoonyahan isku mashquuliyay sidii uu u caawin lahaa bulshada kuwooda taagta daran, gaar ahaan kuwa cudurrada iyo masiibooyinka ay ku dhacaan ee aan xal u heli karin, dadka uu u helay fursadaha caafimaad ee dibadda loo qaaday lana soo daweeyay kumaan kun ayay gaarayaan, ILAAHAY ajar ha ka siiyo, taariikhdana baal dahab ah ayuu ka galay,” ayuu yiri Prof. Dufle.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya