Guddoomiyaha Maxkamadda -laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Sanaag iyo Haylaan- Cabdifataax Xaaji Aadan, oo maanta magaalada Boosaaso warbaahinta shir-jaraa'id ugu qabtay, ayaa sheegay in siddeeda qof ee eedeysaneyaasha ah ay maxkamaddu go'aamisey in lasii daayo kaddib markii wax dembi ah lagu waayey.
Eedeysaneyaasha oo labo kamid ahi ay dumar ahaayeen, waxay qaar kamid ah oo warbaahinta la hadlay sheegeen inay si aad ah ugu faraxsan yihiin in dib mark kale xoriyaddooda loo siiyo kaddib markii ay xirnaayeen muddo labo bilood ku dhow.
Dadka ay maanta maxkamaddu dib xoriyaddooda ugu soo celisey waxa lagu kala magacaabaa:
- Saynab Cabdirisaaq Ciise.
- Faadumo Maxamed Cismaan.
- Maxamud Maxamed Cismaan.
- Maxamed Cali Cabdule.
- Cali Maxamed Cali.
- Cabdinaasir Badal.
- Khaliif Maxamed.
- Cabdulaahi Maxamed Axmed.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya