SIILAANYO: "Beesha Caalamku Waa in ay Nagu Taageeraan Hadafkeenna"


Isniin, June 09, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa maanta furay shir ay iskugu yimaadeen hay’ado caalami ah oo Somaliland ka caawiya dhinacyo kala duwan.

Shirkan oo sanad kasta lagu qabto magaaladda Hargeysa, ayaa lagu qiimeeyaa wixii sanadkaasi u qabsoomay iyo sanadka soo socda waxa u qorshaysay taas oo xukuumaddu ay doonayso inay hagto meelaha u baahan inay wax ka qabtaan.

Wasiirka Qorsheynta Qaranka Dr:Sacad Cali Shire ayaa sheegay in shirkani mid sanad leh oo hay’adaha caawiya iyo dawladaha qaadhaan bixiyeyaashu kaga tashadaan waxqabadka shacabka iyo baahiyaha jira sidii wax looga qaban lahaa.

“Shirkaasi waa mid muddo soo socday waa kii lixaad, ujeedadiisu waxa weeyi in marka la isku yimaado la waraysto wixii ku saabsan siyaasad iyo qorshaha la xidhiidha waxay deeq bixiyeyaashi ina siiyaan iyo sida ay u shacabka u gaadhi lahayd taas oo ah in la isla xisaabtamo”ayuu yidhi Sacad Cali Shire.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo  oo khudbadiisa ku soo jeediyey af ingiriisi ayaa  hay’adaha iyo dawladaha deeq bixiyeyaasha ka codsaday sidii ay u balaadhin lahaayeen mashaariicda horumarinteed ee ay ka wadaan Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay dawladda Ingiriiska iyo Danish-ka ee bilowday inay lacag qaadhaan ah ku ridaan sanduuqa horumarinta Somaliland oo si toos ah ugu soo ridaan, isagoo ka rajayey inay dalal kale jidkaasi oo kale mari doonaan.

“Dawladaydu waxay u taagan tahay wax ka qabashada iyo dib u habayn adeegyada muhiimka ah ee ay ka mid yihiin habsami u maamulka Maaliyada dawlada, adeegyada dadweynaha, cadaalada iyo maalgalinta amaanka iyo cimilada”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlayey shirweynahaasi.

Waxaani intaas ku daray “Waxa aanu leenahay qorshe aanu wax kaga qabanayno qaybahan aan tilmaamay. Waxa aanu taageersanahay dhinacyada ay wax naga dhexeeyaan si aanu u abuurno hay’ado iyo hanaan sharci oo la aamini karo oo noqon doona midhaha ka soo baxa heshiiska cusub (New Deal)”

Madaxweynuhu ayaa sheegay in Somaliland ay hore usoo martay mushiladdo balse ay xaliyeen, hada ay marayaan wakhtigii horumarka, isagoo arrintaasi sharaxaya waxa uu yidhi “Inkastoo Somaliland ay tahay wadan mushkilado hore soo maray  ayey hadana gaadhay guulo balaadhan oo horumarineed, lamana dafiri karo baahiyaha horumarineed ee uu u baahan yahay. Haddii ay tahay xasiloonida iyo amaanka si loo joogteeyo iyadoo uu dalkani ku yaalo mandaqad ay rabshado badan ka dhacaan”.

Madaxweynuhu wuxuu beesha caalamka ka codsaday inay taageeraan horumarka ka socda Somaliland “Beesha caalamku waa inay ku taageero oo ay ku abaal mariso Somaliland hadafkeeda  ah nabad waarta iyo siyaasad hufan oo sharciga la raacayo”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland