Wararkii ugu dambeeyay ee xaalada degmada Marko iyo dadka oo cabsi qaba


Isniin, June 09, 2014 (HOL) — Xalaadda degmada Marko ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa deggen caawa, iyadoo shacabka ku nool degmada ay ka walaacsan yihiin inay dagaallo kale ku dhexmaraan malleeshiyooyinka colaaddu u dhexeyso gudaha degmadaas.

Mid ka mid ah haweenka ku nool degmada Marko oo wareysi siinaysay idaacadda VOA-da ayaa sheegtay in xaaladdu ay tahay caawa mid deggen, balse shacabku ay weli baqdin ka qabaan dagaallo kale oo dhaca.

“Degmada Marko xaaladeedda gellinkii dambe illaa caawa waa wanaagsan tahay, dadkuse waxay ka baqayaan inay colaaddo kale dhacaan, ma jiraan wax ganacsi iyo isku socod ah oo maanta ka jiray degmada,” ayay haweeneydan oo aan la xusin magaceeda ay sheegtay.

Sidoo kale, waxay xustay in degmada ay ku sugan yihiin maleeshiyadii saakay la wareegtay, xaafado degmada ka tirsanna laga qaxayo, iyadoo xustay inaanay jirin wax shacab ah oo ay khasaare ah oo dagaalkii xalay illaa saakay socday.

“Ciidamadii Marko laga saaray waxay ku sugan yihiin duleedka degmada kuwii qabsadayna gudaha ayay ku sugan yihiin, waana taas cabsida shacabka magaalada ku dhaqan,” ayay gabadhan hadalkeeda ku dartay.

Mar la weydiiyay su'aal ahayd wax tallaabo ah oo ay qaadeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee Marko ku sugan ayay sheegtay inaysan jirin wax tallaabo ah oo ay qaadeen ayna ku sugan yihiin xeryahooda.

“Saldhigyada AMISOM waxaa galay ciidamadii magaalada laga saaray qaarkood si ay u nabad-galaan, kuwo kalena dibadda ayay magaalada uga baxeen,” ayay uga jawaabtay gabdhan su’aal ahayd halka ay aadeen ciidamadii magaalada Marko laga saaray.

Magaalada Marko ayaa waxaa saakay la wareegay gacan ku haynteeda malleeshiyo ka mid ah kuwii maalmahan ku dagaalamayay deegaannno gobolka Shabeellada Hoose ka tirsan, kuwaasoo la sheegay in dagaalkooda uu yahay mid salka ku haya siyaasad.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in dagaalladii xalay illaa saaka degmada Marko ka socday ay ku dhinteen 15-qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 40 ruux oo kale oo dhammaantood ahaa dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya