Isniin, June 09, 2014 (HOL) — Warsaxaafadeed maanta ay soo saartay Xarakada Islaax ee Somalia uuna ku saxiixan yahay guddoomiyaha ururka, Dr. Cali-Baashi Cumar Rooraaye ayaa lagu cambaareeyay ka qaybgalkii madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ee is-caleemo-saarkii madaxweynaha cusub ee Masar, C/fataax Al-Siisi.
“Shacabka Soomaaliyeed waa kuwo jecel xoriyada, isla markaana neceb dulmiga, kali-taliska, xukun-maroorsiga iyo in dhiig loo daadiyo kursi dartiis. Shacabka Soomaaliyeed iyo shacabka Masar waa laba shacab oo walaalo ah, lehna xiriir qoto-dheer oo taariikhi ah kuna dhisan iskaashi iyo isu-hiillin,” ayay Islaax ku tiri warka ay soo saartay.
“Haddaba, Xarakada Islaax ee Soomaaliya waxay canbaaraynaysaa ka qayb-galka aan laga fiirsan ee madaxweyne Xasan Sheekh uu kaga qayb-galay is-caleemo saarkii C/fataax Al-Siisi oo talada Masar kula wareegay af-genbi iyo xasuuq uu u geystay kumanaan qof,” ayaa sidoo kale lagu yiri warsaxaafadeedka Islaax.

Islaax ayaa waxay warbixinteeda ku dartay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qayb-galo is-caleemo-saar dhiig ka da’ayo waa shahaada-zuur aan la aqbali karin in madaxwaynaha Soomaaliyeed oo huwan sharafta ummadda Soomaaliyeed uu ka qayb-galo, waana arrin kasoo horjeedda mabadii’da iyo danaha ummadda.
Ugu dambeyn, bayaanka Islaax ayaa lagu yiri: “Haddaba, Islaax waxay booqashadan ayaan-darrada ah uga cudurdaaranayaa shacabka Masar ee aynu walaalaha nahay, shucuubta muslimiinta ah iyo dhammaanba ummadaha xorta ah ee jecel cadaaladda.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya