Dood ku Saabsanayd Wacyi-gelinta Dhallinyarada oo Muqdisho lagu Qabtay


Isniin, June 09, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed ku saabsan doorka odayaashu ku leeyihiin wacyi-gelinta dhallinyarada la marin habaabiyay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, taas oo ay ka qayb-galeen nabaddoon iyo dhallinyaro.

Dooddan oo ay soo agaasintay hay’adda CCD ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay nabaddoon Maxamed Xasan Xaad oo sheegay in loo baahan yahay in marka hore dhallinyarada laga ilaaliyo inay faraha la galaan Mabaa'diida aan wanaagsanayn, isagoo xusay in dhallinyaro badan jidka looga lumiyay.

"Marka hore waxay u baahan tahay in carruurta ama wiilka dhallinyarada ah uu faraha la gelin mabda'a lagu marin habaabinayo, waana waajib saaran waalidka inay carruurtooda ka ilaaliyaan," ayuu yiri Xaad oo ka mid ahaa odayaashii ka qayb-galay dood-cilmiyeedkan.

Sidoo kale, wuxuu tibaaxay in sida keliya ee lagu wacyi-gelin karo ay tahay in carruurta waxbarasho loo helo, si aqoontooda loo dhiso, isla markaana aan looga faa'ideysan aqoon-darro, si lagu fahamsiiyo fasahaadkaas inuusan bulshada ku dhibin.

"Waalidka in dadaal uu ku bixiyo la socodka ubadkiisa haddii dugsi Qur’aan la geeyay oo kale in lala socdo. Islaamka waa wado sax ah oo la mahdiyo, waxaan dhibaato keenin waa in dhallinyarada loo horseedin, ma ahan in la siyaasad lagu dheeho," ayuu mar kale yiri Xaad.

Nabaddoonka ayaa sheegay in carruurta marka hore ay ka dhismaan guriga, waalidkana uu siiyaa tarbiyeyn joogta ah, isagoo cadeeyay in waxbarashada dugsiyada lagu koontaroolo.

Iimaan Jimcaale Faarax oo ka mid ahaa waxgaradkii ka ka hadlay doodda ayaa isna sheegay in doorka odayaasha uu yahay inay wacyi-gelinta ka qayb-qaataan, ayna iskaashi ka sameeyaan sidii caruurta jidka qaldan ku socda loo soo celin lahaa.

"Wiil kasta aabbe ayaa dhalay, guri ayuuna kasoo toosaa, marka odayaasha waa in marka wiilka ay iyaga dhaleen uu wax sameynayo ay ogaan karaan, waayo wuxuu kasoo toosaa guriga, markaas dhaq-dhaqaaqiisa uu ogaado, kana wacyi-geliyo haddii dhibaato iyo xumaan uu ku jiro," ayuu yiri Iimaan Jimcaale Faarax.

Waxaa isna doodda ka hadlay, Iimaan Maxamed Axmed oo sheegay inay aad u wanaagsan yihiin doodahan oo kale la badiyo, isla markaana jiilka soo koraya la baro dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed iyo kan diinta Islaamka, si aanu u haligin naftiisa.

Suldaan Cilmi Nageeya Qanyare iyo Garaad Cali Garaad Axmed oo iyaguna ka mid ahaa waxgaradkii dooddan ka hadlay ayaa sheegay in ilmaha bar-baarintu ka halowdo ay marin habaabaan, waxauna tilmaameen in marka hore waalidku ay Alle ka baryaan in ubadkooda uu u toosiyo.

Ugu dambeyn, dood-cilmiyeedka ayaa odayaasha dhaqanka ee ka qayb-galay waxay isku dhaafsaday fikrado, iyagoo xusay in la badiyo oo la joogteeyo si dhalinyarada mustaqbalka leh loo badbaadiyo, lana tuso waddada wanaagsan ee masaalixda ay ugu jirto.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya