Bandhigga tartanka Fardo-fuulnimada oo ka furmay Gobolka Sool (SAWIRRO)


Sabti, June 21, 2014 (HOL) — Barnaamij loogu magac daray toddobaadka fardo-fuulka Soomalida ayaa lagu qabtay dooxada Xuddun oo waqooyi kaga aaddan magaalada Laas-caanood ee gobolka Sool.

Bandhiggan ayaa waxaa ka qaybgalaya fardo-fuullo oo can ka ah deegaankaas iyo rag aqoon u leh gamaanka, iyadoo ujeeddadu loo qabtay ay tahay sidii loosoo celin lahaa dhaqashada iyo xannaanada gamaanka ama fardaha.

Qaban-qaabada barnaamijkan oo ay lahaayeen waxgarad degmada Xuddun kasoo jeeda ayaa la isugu keenay fardo dheddig iyo lab isugu jira kuwaasoo deegaanno kala duwan laga keenay, iyadoo uu socon doono bandhiggan mudada toddobaadka ah ee soo socota, isagoo soo xirmi doona 27-ka bishan Juun.

Maxamed Jaamac Mahad ayaa ka warbixyay qaab ka uu u socon doono bandhiggan oo uu sheegay in maalin walba ay ku tartami doonaan qaar ka mid ah fardaha iyo fardo-fuulka, waxaana lagu qiimeynayaa ayuu yiri qaabab badan oo ay ka mid tahay tababbarka uu qabo faraska.

Guddoomiyaha guddiga soo abaabulay bandhiggan, Axmed Cali Faarax ayaa isna halkaas ka sheegay in sababta ku kalliftay ay iyadoo aanay jirin cid ka gacan ka siinaysa marka laga reebo Khadar Maxamed Xaashi oo ka mid ah qurbo-joogta ku nool dalka Ingiriiska.

Waxaa kaloo uu u mahad-celiyay shaqsiyaadkii ku dhiirri-geliyay, kuwii taageeray iyo shirkado ballan-qaadyo ay kasoo gaareen oo uu ka xusay shirda isgaarsiinta Telesom oo goobta bandhigga lagu arkayay agabkeeda xayeysiista.

Xasan Maxamuud Dhiillood oo ah siyaasi xil wasiirnimo ka gaaray Puntland sanadkii 2000 oo isagu keenay fikirka hawshan lagu soo qaban-qaabiyey ayaa sheegay inay ku kaliftay markuu arkay iibka lagu hayo gamaankii oo loo dhoofinayo dalka Jabuuti gaar ahaan nooca suunaariga loo yaqaan.

Sidoo kale, Xasan ayaa ka codasaday mas’uuliyiinta Jabuuti inay joojiyaan qaabka haatan wax loo wado oo ay ka qayb-qaataan sidii dalka gudihiisa loogu xanaanayn lahaa, isla markaana si sharci ah ay ugu iibsan lahaayeen.

Qaar ka mid ah ragga sida aadka ah u yaqaan gamaanka ayaa waxay ka warameen sidii ay farduhu ahaan jireen iyo heerka ay maanta joogaan, iyagoo ku baaqay in la badbaadiyo gamaanka gaar ahaan fardaha oo gaajo iyo dhoofin la isugu daray.

Bandhiggan ayaa aad loo hadal-hayaa iyadoo ay soo kordhayaan hadalka ku aadan in la xannaaneeyo gamaanta laguna dhaqaaleeyo dalka gudihiisa.Waxaana dhanka kale soo baxaya ballan-qaadyo kala duwan oo ka imaanaya shaqsiyaad qurbo-joog ah, ganacsatada iyo dadka ku nool degmada Xuddun, iyadoo lagu balamay in laga howl-galo diyaarinta qorshaha bandhiggan ee sannadka soo socda.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool